Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Yaa Ka Dambeeyey In Gudoomiye Cusub Loo Magacaabo Deg,Howlwadaag?+Mas’uul Caan Ah

Waxaa uu C/kiriin Cali kaar Xilka Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag noqday 23-kii Bishii May Sanadkii hore 2017-kii iyadoo Sanad iyo shan bil uu xilkaan ku magacaabnaa.

Maanta ayaa xilka laga xayuubiyey markii wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiye yariisoow kaas oo gudoomiye cusub lagu magacaabay.

Degmada H/wadaag ayaa ka mid ah Meelaha ugu muhiimsan Ee Loo baratamo qabashadeeda,maadaama Suuqa Bakaaraha uu hoostago Degmadaas Dhaqaale badana lagu helo canshuurta lasoo uruuriyo.

Gudoomiyaha Cusub Ee Degmada H/wadaag Mahad Cabdi Caraale waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa Xubnaha Shaqalaha ugu fir fircoonaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa la xaqiijiyey inuu ka dambeeyey Magacaabida Mahad Caraale.

Related posts

Daawo: Maxay ka wada hadleen c/wali gaas iyo Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug??

Tifaftiraha K24

War Cusub: Daad Xoogan oo ku Rogmaday Gobolka Awdal oo dad badan ay ku dhinteen

admin

Daawo: Hooyo kamid ah dadka muqdisho kusoo barakacay oo xalay meel cidlo ah ku dhashay seddex canug oo mataano ah

Tifaftiraha K24