Arimaha Bulshada Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Xuuthiyiinta yemen oo Gantaal ku tuuray Riyadh, Sacuudiga

Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay gantaal Arbacadii shalay lagu tuuray magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.

Gantaalkan ayey soo rideen gantaalada difaaca ee Sacuudiga, waxaana la sheegay in gantaalkaasi laga soo tuuray Yemen uu gudaha wadanka Sacuudiga usoo galay 800km.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono sanadkii Gantaalada, waa siduu sheegay afhayeenka kooxdaasi Sharaf Lokman oo sheegay in gantaalkii shalay ku tuureen xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Sacuudiga.

Waxay Xuuthiyiinta isla shalay gantaalo kale ku tuureen xarumaha kaydka shidaalka ee shirkada Batroolka Sacuudiga Aramco ku leedahay gobalada Jizan iyo Najran.

Weeraradan ayaa lagu soo beegay xili shalay magaalada Paris ay kulan ku yeesheen Dhaxa-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Madaxweynaha France Macron oo sheegay inay iska kaashan doonaan ka hortagida gantaalada Iran ee khatarta ku haya dalka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa ku eedeeya dowlada Iran inay hubka iyo khibrada gantaalada ku taageerto kooxda Xuuthiyiinta Yemen oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay dagaal kula jiray isbaheysiga dalalka Carabta ee uu Sacuudiga hogaamiyo.

Related posts

Fashilkii Guddoomiye ku xigeenka Kowaad Mne A weli Muudey

admin

Daawo: Soomaliya oo Wafdi heer sare ah u dirtay Shir Caalami ah oo ka dhacaayay Wadanka…..

Tifaftiraha K24

AKHRI: Golaha Ammaanka Q.M oo DF ku canaantay dib u dhaca Doorashada 2016..

Tifaftiraha K24