Somali News

Xukuumada Soomaaliya Iyo Dalka Denmark Oo Kawada Hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Related posts

DEG DEG :- Madaxweyne Gaas oo Boosaaso Gaaray & Diyaarado lagu ilaalinayeey

admin

XASAASI: Saraakiil Mareykan ah oo lagu Arkay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyo Puntland oo xaqiijisay in….

Tifaftiraha K24

Dowladda Suudaan oo ku soo biirtay Shirarka looga hadlayo Soomaaliya

admin