Arimaha Bulshada Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Xulashada K24

Xukumaa’ul-Muslimiin oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka iyo dib u heshisiinta

Shir weynaha Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin ” حكماء المسلمين” oo ka dhacay Dalka Masar ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin Dr. Cali Alnaciimi ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynahooda wuxuu ugu baaqay Culimada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka iyo dib u heshisiinta.

“waa inaan dhisno Gole isku keena Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwaasoo laga rabo inay ka shaqeeyaan Dib-u-heshiisiinta iyo Danaha Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Dr. Cali Alnaciimi

Shirka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin waxaa lagu soo hadal qaaday weerarada ay dunida ka geystaan xoogaga jihaadiistayaasha iyagoona ka soo horjeestay.

Mas’uuliyiinta Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin waxay soo jeediyeen inaan Magaca Islaamka lagu waxyeeleyn dad aan waxba galabsanin.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Soomaaliya C/qaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi) ayaa ka qeybgalay shirka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin.

 

golah golah2 golaha golaha1 golaha3

KISMAAYO24 NEWS AGENCY

ABDI KAFI ABDI ABDULLE

MUQDISHO-SOMALIA

Related posts

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Maamulka Gobolka Banadir oo ay ka dhex tolantahay..

admin

Akhriso: Warbixin xiiso leh oo laga diyaariyay garoonka aadan cadde oo mudo 25 sano kadib habeen iyo maalin shaqeyn doona

Tifaftiraha K24

Waxbadan ka ogoow sababta maareeyaha hey’adda duulista iyo saadaasha hawada soomalia u tagay wadanka…..+Sawirro

Tifaftiraha K24