Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

XOG: Waxbadan ka ogow Sababta Axmad madoobe uu Maanta u diiday in uu Ansixiyo Xildhibaanaa Labada Aqal ee Jubbaland

Warar Hoose oo kismaayo24 ay ka heleyso Magaalada Kismaayo ayaa Waxa ay sheegayan in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu diidanyahay in uu Ansixiyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka soomaliya.

Axmed Madoobe ayaa Sharuud ku xiray Saxiixa Xildhibaanada,Sharuudaas oo ah in la xaliyo Tabashada Maamulka Puntland ay ka qabaan Arrimaha Doorashooyinka.

Ila wareedyo aad ugu dhaw Dhaw Madaxtooyada Kismaayo ayaa k24 u xaqiijiyay in Axmad Madoobe uu Wacad ku maray in uusan ansixin doonin Liiska Xildhibaanada Labada Aqal ee Jubbaland ilaa laga saxo Cabashooyinka ay qabaan Maamulka Puntland .

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in ay doonayaan in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag lagu doorto Puntland islamarkaana aysan Aqbali doonin haddii Doorashadoodu ay ka dhacdo  Magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Xubnaha Goboladaas ka imaanaya Doorashadooda ay ka dhici doonto Magaalada Muqdisho taasi oo Puntland ay aad uga carootay.

Sida Qorshaha uu ahaa in Maanta Magaalada Kismaayo lagu Ansixiyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Jubbaland Islamarkaana ay Muqdisho soo gaaraan si ay uga qeyb galaan Kulanka ugu horeeyo ee isugu Imaan doonan Xildhibaanada Cusub ee dhawaan laga soo doortay Maamul Goboleedyada Dalka Balse taasi ma aysan dhicin oo Axmad madoobe ayaa ka biyo diiday in uu Ansixiyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Jubbaland ilaa inta laga Xalinaayo Tabashooyinka ay qabto Puntland.

Related posts

Xildhibaano shir xasaasi ah ku yeelan lahaay muqdisho oo laga hor istaagay iyo Maamulka Hotelka oo u sheegay in…..

admin

Sawirro: Cali guudlaawe xuseen iyo wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray magaalada…..

Tifaftiraha K24

INTERNATIONAL PARTNERS CONGRATULATE MOHAMED ABDULLAHI FARMAJO ON HIS ELECTION AS FEDERAL PRESIDENT

Tifaftiraha K24