Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Arimaha Bulshada Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Top News

XOG: Wasiiro katirsan DFS oo ku dhow Iney Xilalkooda Iska Casilaan & RW Kheyre oo Sabab u ah

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ay qaati ka taagan yihiin wax ay ugu yeereen bahdilaadda uu kula dhaqmayao Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre.

Wasiirada ka cabanaaya nidaamka ayaa si gaara u dhaliilsan isla xisaabtanka joogtada ah iyo sida loogu koontaroolayo howlaha guud iyo kuwa gaarka ah oo ay u hayaan Qaranka, ayada oo mararka qaar ay dhacdo, sida arday oo kale, xitaa warqadahooda gaarka ah la hubiyo.

Wasiirada tabashada muujinaaya ayaa la sheegay in muddo laba jeer ah ay Ra’isul wasaaraha ka dalbadeen inuu u madaxbaneeyo howlaha qaar, hayeeshee waxaa arrintaasi diiday Kheyre.

Wasiirada ayaan diidaneyn isla xisaabtan, hase yeeshee waxay Kheyre ku dhaliileen inuu sida caruur oo kale ula dhaqmo, ayna la yaabeen wax ay ugu yeeren “jahli ka muuqda”

“Wasiir, sida arday oo kale, xitaa buugaagtiisa iyo qoraaladiisa shaqsiga la hubinayo dunida kama dhicin” Waxaa sidaas yiri qof codsaday inaan la magacaabin oo kaaliye wasiir uu naga codsaday inaynan magacaabin.

Tallaabooyinka ra’iisul wasaare Kheyre ayaa dad badan waxay ku qeexeen ka bad-badis iyo tus-tus, ayada oo illaa iyo hadda aysan muuqan wax la taaban karo oo uu qabtay tan iyo markii la magacaabay.

 

Related posts

Xarun ay leedahaya Hey’adda Qaramada Midoobay ee Save The Children oo Weerar Culus lagu qaaday

admin

Daawo: Saxaabiigii Malaa igta Alle ka xishoon jirtay Nolashiisa !!!

admin

DAAWO: Hooyo Amran: Gabadhayda waxaa laba bil iga haysta ciidanka madaxtooyada.

admin