Somali News Top News

XOG: Sharmaarke iyo Odayaasha Hiiraan oo Maanta Kulamaya iyo warar kaloo sheegay in …

Raisul wasaaraha Xukuumada Soomaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali sharmaarke ayaa lagu wada in maanta uu beledweyne kula kulmo odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan waxaana la sheegay in uu kala hadli doono sidii loo dhameystiri lahaay shirka Fadhiidka noqday ee Maamulu Sameynta Hiiraan iyo Shaabeelada Dhexe.

Cumar Cabdi rashiid ayaa markaan isku dayi doono in uu qanciyo Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ee dhawaan isaga baxay shirkii ka socday magalada Jowhar ee la donayay in Maamul loogu sameeyo labada gobol.

 

Odayaasha Dhaqanka ayaa dhankooda sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Raisul wasaaraha uu yimaado magalaada Beledweyne uuna la kulmo odayaasha Gobolka iyo waxgaradka si loo dhameystiro dhismaha Maamulka labada Gobol.

Lama oga waxyaabaha ay isla meel dhigi doonan Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaliya iyo odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo maanta la filaayo in ay is hor fariistaan

 

Related posts

Nin lagu dilay Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho.

admin

Xukuumada Somaliya oo garoonka Aadan Cadde ka celisay dad laga soo musaafuriyay Kismaayo.

admin

DAAWO: Maxaa kala socotaa Silsiladii CAGAMARDAF iyo Wiilwaal? Xiiso gaar ah ayey leedahay.

admin