Somali News Top News

XOG: Shabaab oo Dib ula wareegay deegaan Dhawaaan laga qabsaday oo ka tirsan Gobolka…

Wararka aynu heleyno ayaa shegaya in Ciidamo badan oo ka tirsan Alshabaab ay saakay la wareegeen deegaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay  Si Nabad galyo ah deegaanka ula wareegen ka dib markii Ciidamada Dowlada ay isaga Baxaan Gudaha Magalada dadka Deegaanka ayaana u xaqiijiyay Warbaahinta in Alshabaab ay hada ku suganyihiin Bartamaha Magaalada.

Ciidamada Dowlada ee gacanta ku haayay Ceel-Baraf ayaa Laaba Maalin ka hor ka baxay Halkaasi waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa in Ciidamada Dowlada ay Faarujiyaan Ceel-Baraf iyadoo aysan jirin Cid kula dagaalanta gudaha Magalada.

Warar kale ayaa Tibaaxaya in Odayaashii degaanka ee Ciidamada Xoogga halkaa ku soo dhaweeyay ay Degaanka ka Carareen oo ay galeen Xerada Ciidamada AMISOM oo ku taalla Banaanka Degaanka Waxaana ay ka baqdin qabaan in Shabaabka ay dhibaato u geeystaan Maadama ay horay Magalada ugu soo dhaweyeen Ciidamada Dowlada oo Bil ka hor la wareegay Deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeelda Dhexe.

Related posts

Shil dayuuradeed oo ka dhacay Kenya & dad ajaaniib ah oo ku dhintay (Sawirro)

Mohamed Abdirashid Abaajo

WAR CUSUB: Shir looga Hadlaayay Horumarinta iyo Dib u Dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ayna ka qeyb galeen Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Galkacyo iyo Diyaaraddo dusha kala socda Ammaankiisa

admin