Somali News

XOG: Ra’isal wasaare Khayre Oo la’ogaaday sababta Uu utagaayo Magaalada Kismaayo…

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa aad looga dareemayaa diyaar garoow la isku diyaarinayo soo dhaweynta Wafdi uu hogaaminayo R/wasaare Kheyre Oo Halkaasi ku wajahan.

Axada Berri ayaa la filayaa in wafdigaasi ay gaaraan Kismaato taas oo la leeyahay waxaa la qorsheeyey in seddex maalin ku joogaan Magaalada balse lasoo gaabiyey.

Ilo ku dhaw Xafiiska R/wasaare Kheyre ayaa usheegay Warqaad in Seddex maalin la filayey in socdaalka qaato balse hadda uu labo cisho noqday aaska iyo tacsida Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil Awgeed.

Ujeedka ugu weyn Ee Ra’iisal Wasaaraha utegayo Magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu sheegay inuu wada hadal la qaadanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulankaasi waxa uu yahay mid umuhiim ah Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada si loo dhameeyo Xiisada Siyaasadeed ee labada dhinac ka dhaxeysa.

Qof Aan Kismaayo Weligiis tegin Balse ka mid ah Xubnaha Wafdiga Hordhaca u ahaa R/wasaaraha ayaan weydiiyey wixii ka yaabiyey uu ku arkay Kismaayo Arimaha Bulshada iyo Shaqooyinka Caadiga ah.

“Runtii waxaa adag in la ogaado Maanka Qofka waxa ku jira,balse waxaan aragnay in Magaalada Laga taageersan yahay Axmed Madoobe,waxaan aadnay Goob weyn Khasmiistii si aan usoo dalxiisno,xitaa ciidanka Jubbaland ee na waday ayaa la tiro koobay koontaroolka Magaalada looga baxo si loo adkeeyo Amniga guud”ayuu yiri qof ka mid ah dadka Kismaayo uga sii horeeyey Xasan Kheyre.

Waxa uu intaas raaciyey dadka Magaalada qaar aan la sheekeystay waxay badankood ii sheegeen in Axmed Madoobe uu yahay Hogaamiye wax badan qabtay Amnigaba ha ugu horeeyee.

Ma cada kulanka Xasan Kheyre iyo Amed Madoobe dhexmari doona Axada Berri hadii isbadel kale dhicin balse laga dhursugayo waxa ay noqon doonto.

Related posts

TOP NEWS: Magaalada Muqdisho oo Caawa Siyaabo kala Duwan ay dilal qorsheysan uga dhaceen

Tifaftiraha K24

DAAWO: Sidii Ciidamada Galmudug u weerareen Xildhibaanadii Xilka ka qaaday Guulleed & Jawaabta Xildhibaanada.

admin

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhow lagu weeraray Hoteel ku yaala Muqdisho.

admin