Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Somali News Top News

XOG; Qalbi dhagax oo Shacabka Somaliyed balan muhiim ah ka qaaday,lana hadlay RW Itoobiya

C/kariim Sheikh Muuse Qalbi Dhagax ayaa sheegay in wali uu ku taagan yahay go’aankiisa ahaa xaq u dirirka dhulka Soomaaliyeed ee ku maqan gacanta gumeystaha gaar ahaan Kilinka shanaad oo hadda la yiraahdo Dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Wuxuu sheegay inuu dadaal ku bixin doono inuusan qof Soomaaliyeed ku hoyan uuna gacanta u hoorsan kaalmo shisheeye.

C/kariim Muuse Qalbi dhagax oo dhowaan laga soo daayay Xabsi ku yaalo dalka Itoobiya ayaa uga mahad celiyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed sida go’aanka geesinimada leh isagoo cidna kala tashan Jailka uga soo daayay,wuxuuna sheegay inuu taageersan yahay siyaasadiisa fur fursan ee Itoobiya iyo Gobolka kula macaamilayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Mr.Qalbi dhagax ka codsaday iney ku gacan siiyaan sidii dalka looga xoreyn lahaa gumeysiga Maskaxda ah ee Dowlado badan oo shisheeye ay ku heystaan,sida uu hadalka u dhigay.

C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo ka tirsan Jabhadda ONLF,ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Nairobi oo loogu sameeyay Xaflad balaaran oo isaga lagu soo dhoweynayay.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Wasiirka Maaliyadda oo Maanta Qalab Xafiiseed ku wareejiyay Qaar ka mid ah Hey’addaha Dowlada+Sawiro

admin

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si Rasmi ah u furtay Hannaanka Wada-tashiyada Xeer-nidaamiyeyaasha Isgaarsiinta & Teknolojiyada

admin

Dhagayso:- Fah Faahin Dagaalo Kadhacay Gobalka Bakool

admin