Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

XOG: Mooshinka Shariif Xasan oo loo gudbinayo G/Baarlamaanka & Tirada Xildhibaanada Saxiixay

In kabadan 90 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana lagu wadaa in ay Gudbiyaan maalmaha soo socda.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas ee Saxiixay Mooshinka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay mooshinka ku wareejin doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Islamarkaana ay xilka ka qaadi doonaan Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sameestay Labo Kutlad oo iska soo horjeedo kuwaas oo kala ah Golaha Badbaado K/Galbeed oo ay la baxeyn Xildhibaanada Mucaaradka iyo Golaha Midnimada K/Galbeed oo ay sameestayn Xubno taageersan Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax taagan Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Related posts

TOP NEWS: Faah Faahin dheeraad ah oo laga helaayo Diyaarad ku bur burtay qeybo ka mid ah Shabeelada hoose iyo Shabaabka oo sheegay in ay….

Tifaftiraha K24

Xisadii ka dhex tagnayd Galmudug iyo Ciidanka DANAB oo ….

admin

TOP NEWS: Maxaad ka ogtahay Sababta ay Dowlada dib ugu dhigtay Aaska Marxuum Burci Maxamed Xamza???

Tifaftiraha K24