Somali News

XOG: Madaxda Dalka oo isku Khilaafsan Go’aanka Xiisada Kenya iyo Farmaajo oo Mowqif adag taagan

Warar hoose  ayaa sheegeya in Madaxda Dalka ay isku khilaafsan yihiin Jawaabaha laga bixinayo hadalada kasoo yeeraya Dowlada Kenya eek u aadan Muranka Dhul Badeedka oo burburiyay Xiriirkii u dhaxeeyay Labada Dowladood.

Shirar aan caadi aheyn oo Saacidihii ugu dambeeyay ay yeesheen Madaxda Dalka ayaa qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya waxay soo jeediyeen in Go’aan adag laga qaato Dowlada Kenya maadaama ay wado daandaansi isla markaana aysan suurta gal aheyn in Hadalo jilicsan ay wax ku qaadato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diidan in lagu degdego Go’aanka qaldan oo laga qaato Khilaafkan, isagoona Shirar kala duwan la qaatay Lataliyayaashiisa, Wasiiradda iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay weli Soomaaliya ka sugeyso jawaab faah-faahsan oo ku saabsan arrimaha Kenya ay ka walaacsan tahay, islamarkaana Kenya ay isku dayeyso inay is-xakameyso oo ay ka bad-badin.

Balse qaar ka mid ah Madaxda Dalka ayaa ka carooday hadal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya oo ku aadanaa in Cunaqabateyn ay ku rogi karaan Soomaaliya.

Walaac xoogan iyo wda shatiyo aan dhamaad laheyn ayaa ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo laga yaabo in Madaxda Dalka ay isku khilaafaan Go’aanka laga qaadanayo Xiisada maadaama Kenya ay sii hurineyso xiisada Dowlada Soomaaliya kaligeed aysan ilaalin karin maslaxada labada Dal.

Related posts

Daawo Sawirrada: Qaraxii ka dhacay agagaarka madaxtooyada villa soomaliya iyo qasaaraha ka dhashay

Tifaftiraha K24

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub.

admin

Akhriso: Aajndayaasha xasaasiga ah ee axmad madoobe uu maanta la tagay shirka madasha muxuuse ka…..+Sawirro

Tifaftiraha K24