Somali News Top News

XOG: K24 oo Heshay Magacyada Wasiiro Xil ka qaadis lagu Sameyn doono iyo Kuwa la isku shaandheyn doono Maalamaha Soo socda + Magacyada wasiirada xilka laga Xayuubin doono

Iyadoo Dalka Soomaliya uu Cagaha la sii galaayo Marxalada kala guurka iyo Siyaasad Cusub ayaa waxa jirta in Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xilalkooda ay weyn doonan halka qaar kalana la isku Shaandheyn doono .

Xubno Culus oo Wasiiro ah ayaa la filaaya in xilalka qaado waxaana taasi lagu macneynaaya Maadamada Dalka uu Marxalad kala guur galaayo iyo Xubnahaan wasiirada oo Meel wanaagsan aan ka soo Muuqan karin 2016 marka la gaaro Xiliga Doorashada Dalka ka dhaceysa.

Masuuliyiinta la isku shaandheyn doono sida k24 ay Xog Hoose ku heshay waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Cabdisalaam Hadliye, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed jaamac Jangali.

Xogaha kale ee k24 ay heshay waxaa ka mid ah in Wasiiro kale iyaguna la isku shaandheyn doono waloow aan si rasmi ag loo ogeyn xogta dhabta ah alse wasiira kale ayaa ka mid ah Xubnaha Xilalkooda la isugu Shaandheyn doono Wasiirka Gaanshaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Owqaafta iyo Arimaha Diinta Maxamed Sheekh Cali Baqdaadi.

Dhawaan waxaa jiray warar sheegaya in Wasiir loo magacaabi rabo la taliyaha Madaxweynaha Jubbaland Nin Magaciisa lagu soo gaabiyay geele Jaamac. waxaana loo magacaabaya wasiirka Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta oo hada uu wasiir ka yahay Guuleed Xuseen Qaasim.

Lama oga Sababaha Rasmi ah ee ka dambeysa isku shaandheyntaan lagu sameyn doono Golaha Wasiirada waxaana Dadka qaar ay qabaan Fikirka ah in Marxalada kala guurka ay sababi karto in Xubno badan ay xilalkooda Weyn doonan.

Related posts

Ciidamada huwanta oo xalay Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Awdheegle

admin

Daawo Xafladi lagu so bandhiay heshiiski Kismaayo

admin

XOG: Mooshinka Shariif Xasan oo loo gudbinayo G/Baarlamaanka & Tirada Xildhibaanada Saxiixay

admin