Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Top News

XOG: Horumarkii ugu weynaa ee Dowladda Farmaajo sheegatay oo si lama filaan ah u fashilmay

Dowladda cusub ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku fashilantay caddeynta horumarkii ugu weynaa ee ay sheegtay inay gaartay intii ay xukunka heysay.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dib uga laabtay arrin uu wax badan saxaafadda ka sheegay oo ahayd in dakhliga dowladda uu kordhay 90% kadib isbedel lagu sameeyay saraakiisha canshuuraha Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo musuq lagu eedeeyay.

Wasiir Beyle oo shalay hortegay Baarlamaanka Federaalka ayaa su’aalo badan laga weydiiyay dakhliga u soo kordhay xukuumadda, wuxuuna beeniyay inuu isagu sheegay kororsiimo 90% ah, isagoo ku cudurdaartay in hadaladdii kasoo yeeray ay farxadi ka keentay oo aanay xaqiiqo ahayn.

Wasiirka ayay ka muuqatay inuu shaqada ku cusbaa, waxaana xilligii danbe uu xaqiiqsaday in kororsiimada ka jirtay garoonka diyaaradaha iyo Dekadda ay ahayd mid xilliyeed ee aanay ahayn mid joogto ah, kadib markii ay hoos u dhaceen canshuuraha ilahaasi kadib munaasbadii ciidul fitriga.

Kororka Dakhliga dowladda ayaa ahaa waxa ugu weyn ee madaxda dowladda kaga hadlaan fagaarayaasha, sida madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo hadda noqotay mid laga daba tegay oo aan xaqiiqo ahayn.

Isha: GOOBJOOGE

Related posts

Daaawo Muuqaal: Sida loogu dhawaaqay Gollaha Wasiirada Jubbaland ee Maanta uusoo Magacaabay Madaxweyne Axmad Madoobe

Tifaftiraha K24

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku Wajahan Imaaraadka Carabta

Sakariye Sakariye

Daawo: Jaaliyadda jubbaland ee UK oo magaalada london si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweyne axmad madoobe

Tifaftiraha K24