Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Breaking News Somali News

XOG: Guuleed oo isbaheysigii Doorashada uga baxay Shariix Xasan (Sababta?)

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ka baxay isbaheysi Doorasho shaki badan hareeyay oo uu kula jiray dhigiisa maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.    Xogta laga helayo isbahgeysiga burburtay ayaa sheegeysa in rrintan ayaa ka danbeysay culeysyo fara badan oo la saaray C/kariin Guuleed iyo isagoo u baqay saameynta ka timaada ololaha doorashada inay galaafado mustaqbalkiisa siyaasadeed.  Madaxweynaha Galmudug oo tan iyo intii uu Imaaraadka Carabta u tegay arrimaha doorashada ka digo rogtay saaxiibadii iyo kooxdiisa uu madaxda u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda is daba qabtay isagoo xaqiiqsaday inay isbaheysiga Shariif Xasan uu yahay qar iska tuur iyo tijaabo halis ah oo aan wax guul ah ka keeni karin doorashada adag ee Soomaaliya xilligan ku jirto.  Inkastoo C/kariin Guuleed shaqsiyadiisa siyaasadeed iyo xilka uu hayo uu ka weyn tahay taageerada uu ku leeyahay labada Gole ayaa haddan waxay tani guul u tahay Madaxweynaah doonaya inuu dib u soo laabto ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo loolan adag ku jirta.  Shariif Xasan ayaa keligiis geli doona loolanka siyaasadeed ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka sidii dhacday doorashadii 2012, waxaana sii yaraanaya rajadiisa labada xil ugu sareeya sharci dejinta iyo hogaanka dalka.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka Uu Guul Ka Sheegtay Dagaal ay la galeen Alshabaab.

Ahmed sudani

XASAASI: Musharax Culeys Badan Saari Doona Xassan Sheekh Oo Isniinta Ku DHawaaqi Doona Musharaxnimadiisa (Tolow Waa Kee???)

Tifaftiraha K24

Waxbadan oo aad u baahantahay in aad ka ogaato saldhigga milatari ee turkiga uu muqdisho ka dhistay

admin