Breaking News Somali News Top News

Xog Dhammeystiran: Maxaadan Ogeyn oo ka Cusub Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed?

Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo dhowr jeer oo hore baaqatay waxaana ku tartamaya musharrixiin uusan qeyb ka aheyn Abu Mansuur maadama uu dowladda u xiranyahay.

Tan iyo xalay waxaa magaalada baydhabo ka socday qaban qaabada doorashada iyo ol’olahii ugu dambeeyay oo ay sameeynayeen musharixiinta kursigaan ku hardameysa.

Kadib muddo badan oo muran iyo qalalaaso ay ka jirtay doorashada madaxweynaha koonfur galbeed maanta ayaa la rajeynaya in lagu kala baxo.

Dowladda Federaalka ayaa wafdi wasiiro ah oo doorashada korjoogteynaya u dirtay magaalada Baydhabo waxaana wafdigaas horkacaya wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka.

Sidoo kale Magaalada Baydhabo waxaa tan iyo shalay ilaa iyo doraad ku qul qulaayay xildhibaano federaalka ka tirsan oo taageero xooggan u muujinaayay musharaxa la sheegay in ay wadato Villa Somalia.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana gabi ahaan Ammaanka daafaha magaalada la wareegay ciidamada itoobiya iyagoo ku sugan Afarta Jiho ee Magaalada Laga soo galo gudaha magaaladana waxaa ku wada sugan Ciidamada Booliska dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo Amisom qeybta ka ah.

Ilaa shan musharax ayaa doorashada ku loolameysa kuwaasi oo kala ah, Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid Axmed Sheeikh Daahir iyo Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen.

Musharixiinta ugu cad cad ee doorashada loo saadaalinaayo waxaa kamid ah c/casiis lafta gareen ama Musharax xuseen cusmaan xuseen oo la sheego in labadooduba ay madaxtooyada wadato.

Madaxtooyada waxa ay ciyaareysa shax cajiib ah waxaana doorashada ay ku leedahay labada musharax ee ugu awoodda badan labadooda midkood in uu soo baxo ayeyna ku dadaaleysaa si loo helo hoggaamiye si toos ah u hoostago dowladda federaalka.

Related posts

Daawo:- Golaha uu Hoggaamiyo Col, Barre Hiiraale oo Warsaxaafadeed soo saaray

admin

Gobalka Muslimiinta Ugu Badan Ay Shiinaha Kaga Noolyihiin Ee Xinjiang Oo Dowlada Shiinuhu Diidey In Laga Soomo.

admin

TOP NEWS: Dhageyso Hey’adda Culimadda Soomaliyed oo War ka soo saaray Qoondada Haweenka ee Doorashada dalka ka dhaceysa

Tifaftiraha K24