Somali News Top News

XOG CULUS: Maxaad kala Socota Urur-gobaleedka IGAD oo diiday qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku magacaabay Xasan Kheyre kaasi oo la qorsheynayey inuu noqdo Xoghayaha Cusub ee IGAD

Sida ay Xog Hoose ku Heshay k24 Urur-gobaleedka IGAD ayaa diiday qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay Xasan Kheyre oo ah Somali-Norwegian, kaasi oo la qorsheynayey inuu noqdo Xoghayaha Cusub ee IGAD

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhowr bilood ka hor qoraalkaasi u diray Madaxda iyo Hoggaaminta Urur-gobaleedka IGAD, si Xasan Kheyre  loogu wareejiyo xilka Xoghayaha Guud ee IGAD oo uu haatan hayo Engineer Maxbuub Macallim.

Warar Xogogaal ayaa sheegaya in qoraalka Magacaabista Xasan Kheyre ku soo beegantay Xili Warbixin ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group) ku sheegeen inay Xasan Kheyre suurtogal tahay inuu xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab.

Guddiga waxay Warbixintooda ku dabaqeen iyadoo Xasan Kheyre  yahay Agaasimaha Shirkadda Som Oil and Gas ugu qaabilsan Geeska Afrika, isla markaana uu horey ula soo shaqeeyey Hay’adda Dowladda Norway ugu qaabilsan Qaxootiga ee The Norwgian Refugee Council (NRC).

Xiriiryaha Guddiga QM ee Kormeerka Somalia iyo Eritrea, Christophe Trajbet ayaa horey u qoray in Wakiilka Soma Oil and Gas ee Bariga Afrika, Xasan Kheyre laga yaabo inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Xag-jirayaasha.

Wadamada Xubnaha ka ah IGAD ayaa si Cad u Sheegay in Xasan Kheyre aysan Marnaba aqbali kari waxana ol olahaasi lagu diiday Xasan kheyre Hormuud ka ah Dowladaha kenya iyo Itoobiya oo aad u tuhunsan in Ninkaani uu wado Dano gaar ah oo Xasan Shiikh soo abaabulay.

Related posts

Press Statement on the 28th Ordinary Summit of the Arab League

Tifaftiraha K24

Akhriso:-Goormee Lagu Dhawaaqi Doonaa Golaha Wasiirada Puntland?

Mohamed Abdirashid Abaajo

Top Dhageeyso:-Hooyo ka Hadleeyso Xasuuq Amisom Marko Ka Geeysatay..

admin