Xisbiga Midnimada iyo Cadaalada oo Cambaareeyey Afduubka Doorashooyinka dalka.

0

Xisbiga Midnimada iyo Cadaalada  ayaa ka hor-yimid sharciga doorashooyinka dalka ee shalay ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya, kaasi oo uu ku qeexay “go’aan ay Dawlada Federaalka ahi ku afduubtay doorashooyinka Dalka”

HALKAAN KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA XISBIGA:

Xisbiga Midnimada iyo Cadaalada wuxuu canbaareynayaa go’aanka ay Dawlada Federaalka ahi ku afduubtay doorashooyinka Dalka. Sharciga Doorashooyinka ee ay xukuumaddu ansixisay waa mid inta badan qodobbadiisu iska hor imaanayaan, qaarkood dastuurka ka hor imaanayaan, ujeedka ugu danbeeyana yahay muddo kororsi loo sameeyo madaxda Federaalka.

Sharciga doorashooyinka waa in uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, hannaanka doorashana waa in uu ku yimaado talo wadaag dhexmara dowladda federaalka ah, Dawlad Gobolleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadda.