Somali News

Xildhibaanada baarlamaanka galmudug oo maanta go’aan ka gaaray wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne xaaf

Baarlamaanka Galmudug ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug, kadib markii maanta madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu horgeeyey Baarlamaanka Golihiisa wasiirada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka codsaday Baarlamaanka Galmudug in ay ansixiyaan golihiisa wasiirada, kadib qudbad uu u jeediyey baarlamaanka, waxaana intaasi kadib bilaabatay codeynta oo u dhaceysay qaab gacan taag ah.

52-xubnood oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa codka kalsoonida ah siiyey Golaha wasiirada Galmudug, halka 5-xildhibaana ay diideen mana jirin cid ka aamustay.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa u mahad celiyey Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey Golihiisa Wasiirada, isagoo ku dardaarmay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.

Related posts

Dhagayso;- Fah Faahin Kasoo Baxaysa Dagaal maanta ka Qarxay Buhoodle

Tifaftiraha K24

Cumar Cabdirashiid Xabsi La Dhigi Rabo iyo Arrinta Cabdirahmaan Cabdishakuur.

admin

Taliska AMISOM oo hadal ka soo saaray ASKAR looga Dilay Gobolka Sh.Dhexe

admin