Xildhibaan Fiqi Gudoomiye Yariisow waxaan kasugeynaa.

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ka sugayaan inuu cadeeyo halka lagu bixiyo canshuurta laga qaado Shacabka magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dil la kulmaan marka ciidamada ay ka qaadayaan Canshuurta, hadana aan waxba loogu qaban sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay inay sugayaan xisaab celinta canshuuraha laga qaado shacabka magaalada Muqdisho.