Somali News

Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo sheegay in uu ka badbaadey isku day dil.

Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo ka mid ah golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in uu ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen koox hubaysan xili uu sheegay in gaari uu kaga degay gurigiisa hortiisa.

Waxa uu sheegay in rasaas lagu soo furay hase’ahaatee uu ka badbaaday weerarkaas oo uu sheegay in uusan aqonin cidda sida rasmiga ah uga dambeysa,ilamarkaana uu haatan nabad qabo.

Xildhibaanka ayaa shalay magaalada Garoowe kula hadlay Warbaahinta isaga oo kasoo horjeetay xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Puntland,iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in arrintaan ay xiriir la yeelan karto hadalkiisii shalay.

Dhinaca kalana guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaan Cumar Cabdulaahi farawayne ayaa sheegay in markiiba ay goobta tageen haseyeeshee ay ku arkeen goobta raadka kooxihii weerarka soo qaaday iyo fooqa rasaastii ay ku rideen xildhibaanka.

Related posts

Madaxweynaha: “Waa in sharciga fursad la siiyaa, nidaamka garsoorkana la xishmeeyaa

admin

Top: Gudoomiye Kaliil oo Muqdisho soo gaaray sheegayna Inuu usii gudbi doono Magaalada Kismaayo oo uu kaga qeyb-galaayo shir muhiim ah.

admin

Xildhibaan ka badbaadey isku day dil, kadib markii…………..

admin