Somali News

Xildhibaan Dacwad ka gudbiyey Wasiir katirsan Xukuumada Somaliya.

Waxaa sii kordhaya xiisadda ka dhalatay hadal shalay uu xildhibaanada baarlamaanka ku weeraray xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan golaha wasiiradda Xukuumadda Kheyre.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan wasiir Goodax Barre oo uu sheegay inuu isaga ku tilmaamay inuu Al Shabaab ka tirsan yahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka hadalkaasi uu ugu gafay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo shaqsiyadiisa sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay xubin Al Shabaab ka tirsan oo baarlamaanka dhex jooga.

Yuusuf Xuseen, ayaa cadeeyay in xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen hadalka wasiir Goodax Barre, islamarkaana ay dacwad ka dhan ah u gudbin doonaan guddiga anshaha ee baarlamaanka.

Related posts

Ugaaska Beesha Sade oo dawladda ka codsaday in la lakala dhex galo Ciidamadda ku dagaalamaya B/xaawo

admin

Dhageyso: Shariif sakiin oo amar deg deg ah siiyay ciidanka k/galbeed muxuuse ka yiri wadooyinka ay shabaab…..

Tifaftiraha K24

XOG: Galmudug oo Jawaab Cad ka Bixisay Fal Wuxuushnimo ah oo Ciidamada Ethopia ay kula kaceen dadka ku…

admin