Somali News

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo gaashaanka u daruuray Qoraal ka soobaxay sirdoonka Somaliya oo lagu sheegay.

Xildhibaan  Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor-yimid warbixin kasoo baxday Hey’adda NISA, taasoo lagu sheegay in dal shisheeyey uu lahaa qorshaha qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Contol Afgooye.

Xildhibaanka  ayaa bartiisa Facebook ga Qoraal uu soodhigay sidaan ahaa.

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

Related posts

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Naga soo gaaraya Magaalada Qandala Maxaase Cawada Halkaasi ka Cusub???

Tifaftiraha K24

Daawo: Ma dooneysaa in aad wax badan ka ogaato nolashadda gaarka ah ee Mudane Farmaajo, Daawo muuqaalkan!!!.

admin

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo dhexmaray Raisul Wasaare Sharmaarke iyo Boqorka Dalka Sacuudiga?????

Tifaftiraha K24