Somali News

Xasaasi: Sargaal sare oo shabaab laga dilay iyo dagaal xoogan oo galabta qorax dhicii ka dhacay dagmada….

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal galabta galinkii dambe ka dhacay qeybo kamid ah dagmada qoryooley ee gobolka shabeelada hoose.

Dagaalka waxa uu dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo xoogag ka tirsan alshabaab oo weerar kusoo qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin qoryooley.

Dagaalka wuxuu xooggiisa ka dhacay Xaafada Jazeera ee Degmada Qoryooleey iyadoona la maqlaayay rasaasta culus iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.

Lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay dagaalka ha yeeshee saraakiisha ciidamada dowladda waxa ay sheegeen in ay ka hortageen weerar shabaab ay kusoo qaadeen dagmada qoryooleey.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda ee dagamda qoryooleey ayaa waxa ay sheegeen in howlgal gaar ah ay ku dileen sargaal sare oo ka tirsan  alshabaab.

Sargaalkaan waxaa la sheegay in shabaab uu u qaabil sanaay dhinaca howlgallada waxaana lagu dilay sida la sheegay howlgal gaadmo ah xili uu ku socdaalaayay duleedka qoryooley.

Saraakiishu ma aysan sheegin magaca sarkaalkaan iyo howsha rasmiga ah ee shabaabka uu ka haayay waxaana ay xuseen in faah faahin dheeraad ah ay goordhaw ka bixin doonan.

Related posts

Faah faahin: Taliyihii Booliska Gobolka Shabeelada Dhexe oo Caawa lagu dhex dilay Guri uu Jowhar ka dagnaay

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Dhageyso Dagaal Culus oo Dib uga Qarxay Magaalada Galkacyo iyo Rasaas Xoogan oo Cawada la Maqlaayo

Tifaftiraha K24

SAWIRO: Wafdi ka Socoda Khadar oo Muqdisho Gaaray & Dekadda Hobyo oo Bilaabaneysa.

admin