Somali News

Xasaasi: Ra’isul wasaare kheyre oo xil ka qaadistii ugu horeysay sameeyay yeeysa seefta ku dhacday?

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrye ayaa qaaday tilaabadii ugu horeysay ee isugu jirta xil ka qaadis iyo magacaabis, wuxuuna xilkii ka qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Cabdusalaam Salwe.

Cabdusalaam Salwe oo sanadkii tagay bartamihiisii loo magacaabay xilkaan ayaa hadda lagu badalay Maxamed Keynaan oo horey uga mid ahaa guddigii heer federal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, wuxuuna ahaa si gaar ah afhayeenkaii guddiga doorashada.

Salweyne ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay masuulka lagu badalay.

Waxaa kale oo uu u mahad celiyay Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo xilkaas u magacaabay iyo cid kasta oo ay soo wada shaqeeyeen.

Related posts

Xubanaha Somaliland u matala DF oo qadacay Natiijadi ka so baxday Shirka Madasha

admin

Degdeg: Ciidanka Kenya oo Goordhaweyd Gudaha u galay Deegaanka Ceelcade, oo ay horay Shabaab ugala wareegeen.

admin

Beesha Calamka oo war muhiim ah ka soo saartay Heshiiski Beesha Sade iyo Jubbaland

admin