Somali News

Wayne Rooney Oo Doortay Labada Xidig Ee Ugu Fiicnaa Oo Uu Ebid Ka Garab Ciyaaro Waayahiisa Manchester United (Tolow Waa Kuwee???)

Kabtanka Manchester United iyo Xulka Qaranka England ayaa la weydiiyay labada xidig ee ugu fiicnaa ebid oo uu ebid kasoo garab ciyaaro waayahiisa kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

30-jirkaan Manchester United kusoo biiray sanadkii 2004, kulana guuleystay kooxda koobab badan oo ay ka mid yahiin FA Cup, League Cup, Community Shield, Premier League, Champions League Iyo Fifa Club World Cup ayaa u doortay labadaas ciyaariyahan Cristiano Ronaldo iyo Paul Scholes.

Kabtanka England wuxuu kasoo garab ciyaaray halyeeyo ay ka mid yahiin: Ryan Giggs, Roy Keane, Rio Ferdinand iyo Nemanja Matic, balse wuxuu doortay saaxiibkiisa ay dhalashada wadaagaan ee Scholes iyo Super Star-ka reer Portugal Cristiano Ronaldo.

“Waxaan dhihi karaa waxaa jira laba xidig oo aan u istaago, waana Paul Scholes iyo Cristiano Ronaldo” ayuu Rooney u sheegay website-ka garka ah ee kooxda.

“Paul Scholes waa mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe ugu wanaagsan waqtiga oo dhan. Baaskiisa, Aragtidiisa iyo sida uu kubadda u koontoroolo waa wax aan caadi aheyn”

“Cristiano waa ciyaariyahan qaas ah, wuxuuna ka mid yahay xidigaha aduunka ugu fiican”

“Waxyaabaha qaar oo uu ku adeegsado tababarka kadibna wuxuu ku sameeyaa ciyaarta waana wax aan la aamini karin, waxaa loo xasuusan doonaa mar walba inuu yahay mid ka mid ah kuga ugu weyn ciyaaraha”

Related posts

Top News: Wafdi IGAD ka socda oo Dhuusamareeb tagaya, iyadoona……….

admin

(DAAWO SAWIRRO) – Qaxooti u dhashey dalka Yamen oo si weyn looga soo dhaweeyey Magaala xeebeedda Qardho

admin

Soomaali Lagu Xir Xiray kenya

admin