Somali News

Wasiir Cawad oo  beeniyey warqad la sheegay in uu Puntland ugu faa’iideeyey. 

 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo ayaa magaalada ee dalka Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal.

Waxaa kadib soo baxay warqad la sheegay inuu qoray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo loo diray safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan oo ku taariikheysan 7-da May, ayaa sida ka muuqata, waxa uu Cawad uu ugu sheegay dowlada Shiinaha in dowlada Federaaalka Soomaaliya ay raali ka tahay heshiiska lala galayo madaxda Dowlada Puntland, islamarkaana ay soo dhaweynayso heshiiska, oo sida uu sheegay, kaalin wax ku ool ah ka qaadanaya horumarka Puntland.

Si kastaba wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa beenisay inay ayada ka timid warqadda, waxayna sheegtay inay tahay beel cad oo lasoo dhoodhoobay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay.”

Related posts

Sirdoonka Somaliland Oo Beeniyey Inuu Heshiis La Galey Imaaraadka

admin

Maxa Laga Filan Karaa Xuutiyiinta Yeman Kadib Go’aankii Somaliland

admin

Daawo: Sh. Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil oo ka towbad keenay buug uu ku aflagaadeeyay diinta Islaamka

Tifaftiraha K24