Somali News

Wasiir Bayle” Fowdada ganacsatada waxa ay sababeen in aysan soo xaroon daqli badan”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ka dhashay cabashadii iyo shaqo joojintii Ganacsatada ka keeneen canshuurtii lagu kordhiyay Ganacsatada.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in waxyaabihii bishan dhacay ay sababeen in dakhli badan aanu soo xaroon, isagoo ka dhawaajiyay in wali Ganacsatada uu is faham u dhaxeeyo, isla markaana meel dhow la isugu imaan doono.

“Bishaan waxyaabihii dhacay ee qaskii ka yimid Canshuuraha waxay na dhaxal siiyeen in dakhli badan aanu soo xaroon, anaga Ganacsatada lacagtooda ayaa lugaha uga taaganahay, xifaaltan waa jiri karaa, laakiin heshiis ayaa ahaan doonaa, side dalkaan ku dhismi karaa oo duruufaha jira la isla garto, labo wadan oo wada hadal ku jira ma nihin, waaa la doodayaa, dad isku mid ayaa nahay Ganacsatada fahamkooda waa wanaagsan yahay, heshiis baan gaarnay”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay jiraan wada hadallo ku aadan bixinta canshuuraha oo ay kula jiraan ganacsatada.

“Waxyaabo badan  ayaa inoo suura galay waxaa kamid ah in canshuurta aan heshiis ka gaarno,in hoteelada aan ku soo rognay boqolkiiba 5% way naga aqbaleen,anagana waxaan balanqaadaynaa in aan ku bixino sidii loogu talagalay”.ayuu intaasi ku daray C/raxmaan Ducaale.

Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo hadal qaaday bixinta mushaharaadka shaqaalaha Dowladda,isagoo xusay in uu saxiixay Mushaarka bixintiisa.

waxyaabo badan ayaa ina horyaala, waxaana ka mid ah in aan bixino wixii nagula leeyahay,waxaana ka mid ah bixinta mushaaraadka  shaqaalah Dowladda,hadda waan bilownay,waxaan saxiixay inta badan mushaaraadka  maalmihii ugu dambeeyey, weyna bilowdeen ,marka waxaan leeyahay dhammaan Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda bixiya canshuuraha si uu dalka horumar u gaaro”

Guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah hagaajinta hanaanka maamul Maaliyadeed ee Dalka,taasi oo keentay in hay’adaha Dhaqalaah caalamku ay ku dhiiradaan xoojinta wada shaqeynta Dowladda.

Related posts

Daawo: Alshabaab oo baahisay muuqaalka askari kenyaan ah oo lagu qabtay dagaalkii….

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Dagmada Hodan Gaar ahaan Halka loo Yaqaan……

Tifaftiraha K24

Kadib Weerarkii Lamu Simba Mareykanka oo ugu deeqay dalka Kenya.

admin