Somali News

Warbaahinta Madaxa Banaan Oo Loo Diiday Ka Qeyb Galka Kulamada Golaha Shacabka.

Maanta oo ah taariikhdu ku began tahay 19-ka Octoobe uuna furmayo kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa Wariyeyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan loo diiday ka qeyb galka Kulamada Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa wariyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan ee dalka u sheegay in aan looga baahneen tabinta fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiye Muudey ayaa Warbaahinta si Cad ugu sheegay in Xarunta Cusub ee Villa Hargeysa uu ku shaqeyn  doono Golaha Shacabka aan meel looga sameeyn Saxafiyiinta ka socota warbaahinta madaxbanaan,isla markaana aysan ka qeyb geli doono Fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xaruntooda Cusub waxaa ay ku yeelanayaa kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha,kadib markii uu soo dhammaaday fasixii labada bil ay ku maqnaayeen.

Related posts

Dhageyso: Faah faahin ka soo baxeysa Duqeyn Dhanka Cirka oo Xalay ka dhacday Dagmada Awdheegle

admin

Xasan Sheikh Maxamuud oo amar  deg deg ah siiyay laamaha amaanka.

admin

Xaalada Guriceel oo dagan iyo Ahlu Sunna oo duulaan ku ah Dhuusamareeb

admin