Somali News

Wararkii ugu danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanka Mirxaley oo u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaqo iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed ayaa yimid, kadib markii ay isku qabeen labada dhinac barkad biyood laga qodayey deegaankaasi.

Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac

Related posts

President Farmajo to discuss diplomatic presence, stability of the Horn and regional economic integration with H.E Afwerki

admin

Axmed Madoobe oo weji gabax kala kulmay kulankii danjiraha Maraykanka.

admin

Kooxda Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Doon ay la socdeen Ciidanka dowlada oo rogmatay

admin