Somali News

Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka Jubbaland ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya oo dhinac ah iyo ciidamada Kenya oo kaashanaya ciidanka Jubbaland.

Dhanka kale Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma oo u dhashay itoobiya ayaa maanta la filayaa inuu safar ku tago magaalada Kismaayo, halkaasoo ay maalmihii u dambeeyay ka jireen xiisado siyaasadeed la xiriiray arrimaha doorashooyinka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa shuruud ku xiray safarka taliyaha AMISOM ee Kismaayo, isagoo dalbaday in Taliyuhu uu adeegsan karo kaliya diyaaradaha rayidka ee UN-ka, Axmed ayaa ka baqdin qaba in Taliyuhu adeegsado diyaaraddii ciidan ee shalay laga celiyey Hawada Kismaayo.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku adkeysanayo in doorashada Madaxweynaha Jubbaland ku dhacdo waqtigii loo asteeyey 22 August 2019.

Dhinaca kale Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dayeysa waddo kasta oo ay Axmed Madoobe uga horjoogsan karaan inuu kursiga kusoo laabto.

Lama saadaalin karo xaaladda Kismaayo oo waqti kasta isbadali karto, waxaana muuqata in dowlado shisheeye ku loolamayaan halkaas.

Related posts

DEG DEG Ciidamada huwanta oo caawa ku hoyday Afafka hore ee Dagmada Baardheere iyo Al shabaab oo Magaalada ka baxay .

admin

TOP NEWS: Shacabka Soomaaliyed ee Dhulkooda Hooyo Jooga Maxaa Qardho loogu Beegsanaya waa yabee puntland Raali miyey ka tahay Ficilkaasi?

admin

War hada: Ciidamada kenya ee ku sugan gobolka gedo oo xalay duqeyn gumaad ah ka geesatay deegaano hoostaga dagmada…..

Tifaftiraha K24