Somali News

Wararkii ugu dambeeyay: Waa sidee xaaladda deegaanka goof-gaduud shabeellow yaase hada gacanta ku haaya??

Xaaladda deegaanka Goof-gaduud ee gobolka baay ayaa maanta degan, kadib markii shalay ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo ciidanka maamulka Koonfur-galbeed.

Goof-Gaduud oo qiyaastii 30 Km u jirta magaalladda Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, ayaa waxaa dagaalkii ka dhacay ka dhashay khasaare lixaad leh.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 15 kalena wey ku dhaawacmeen dagaal ka. Sidoo kale ciidamo gurmad ahaa oo kuwa maamulka koonfur galbeed ka tirsan oo ku sii jeeday dagaalka ayaa iyagana la sheegay in jidka loo galay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay iney muddo kooban qabsadeen deegaanka, ilaa 17 askarina ay ku dileen dagaalka, hase yeeshee saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay arrintaasi.

Degaanka hadda waxaa ku sugan ciidamadda maamulka Koonfu-galbeed waxaana la sheegay in dagaalamayaasha alshabaab ay deegaanka ka baxeen.

Ganacsiga degaanka ayaa maanta xiran inkastoo dagaalka uu joogsaday, haddana waxaa taagan dhiilo colaadeed, sida dadka deegaanka ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Deegaanka Goof-gaduud, ayaa waxaa dhowr jeer weerar kusoo qaaday Al Shabaab kuwaas oo isku dayaya in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka, sida saraakiil ay sheegeen.

Related posts

Daawo: Maxay Tahay Sababta Safiirka Kenya ufadhiya Soomaaliya uu kismaayo u tagay?

admin

Dhagayso:- Dagaal Faraha La isula Tagay oo Kadhacay Mandheera

admin

Xog lama filaan ah oo kasoo baxeysa Waxyaabihii saarnaa gaarigii loo adeegsaday qaraxii Zoobe

admin