Somali News

Warar dheeraad ah: Nabad-doon Caan ah oo maanta lagu dilay Bartamaha Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho iyo Kooxdii dishay oo….

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helaaya Dil Maanta Magaalada Muqdisho loogu geestay Nabadoon caan ka ah Magaalada Muqdisho..

Kooxo Hubeysan ayaa Bartamaha Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ku dishay Nabad-doon lagu Magacaabayay C/laahi Axmed Rooble (Safaari).

Kooxaha Dilka geestay ayaa la sheegay in wateen Mid ka mid ah Gawaarida raaxada ah, waxaana Nabad-doonka lala dilay Oday kale oo xilligaasi la joogay.

Kooxaha Dilay Nabad-doonka ayaa durbadiiba Goobta ka baxsaday Iyadoo aysan Jirin Cid dabagashay ama soo qabatay.

Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho waa Meel aan u Mashquul badan waxaana Fajac Noqotay in Maalin cadey Isgooy dhexdiisa Lagu dilo Nabad-doon caan ah Taasi oo ka Marqaati kaceysa Amni Xumada kusii Badaneysa Magaalada Muqdisho iyo sida Ciidamada Ammaanka uga jiifaan Sugitaanka Ammaanka iyo Daba galka Kooxaha Dilalka Bareerka ah ka geesta Magaalada Muqdisho.

Related posts

Xog: Siilaanyo oo maxkamadda ICC lala korayo!!!

admin

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Tacsiyadeeyay Geerida ku timid Marxuum Danjire Axmed Cabdi Xaashi Xasharo oo ahaa La Taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka dibedda.

Tifaftiraha K24

Sheeko Xiiso Badan:- Ciqaab Waalid Iyo Colaad Dhaqan, Qisadii Xiisaha Badneyd Ee Abyan Iyo Qosykeedii Yaabka Lahaa..

admin