Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

War Hada Soo Dhacay: Ciidamada Puntland oo Sheegtay in ay Gudaha u galeen togga Suuj ee u dhexeeya degmada Bandar Bayla iyo EYL oo Shabaabka ay Dhufees ka Dhigteen

Wararka aynu hada heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay Gudaha u galeen togga Suuj ee u dhexeeya degmada Bandar Bayla iyo EYL halkaasi oo ay fariisin ka dhigteen Ciidamada Alshabaab oo tan iyo Shalay ka dagaalamaya gudaha Togga Suuj.

Ciidamada ayaa la sheegaya in hada ay gudha ugu jiraan Togga Ciidamadii Shabaabna ay sido kale ku jiraan oo halkaasi ay isku fara saarayan.

Saraakiisha Hogaamineysa Dagaalka oo k24 la ahdlay ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Puntland ay Galabta Casir liiqa ay gudaha u galeen Togga Suuj waxaana uu sheegay sargaalka oo diiday in magaciisa aan soo xigano in Ciidamada Shabaab ee Togga Aaga ka dhigtay in Badankood ay dileen qaarna ay is dhiibeen waa siduu sargaalka hadalka u dhigay waxaana intaasi ay ku dareen Saraakiisha in Saacadaha soo socda lasoo afjari doono Dagaalka laba maalin qaatay ee ka dhacay Togga Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal.

Dadka deegaanka oo aan xiriir la samayney ayaa inoo  sheegay in xilliga duhurka uu dagaalka xoogeystey kadibana rasaaastu ay xilliga casarka gabaabsi yahay ay sidii hore ka yaraatay,

Ilaa hada waxaan la ogaan karin Qasaaraha Dhabta ah ee labada dhinac soo kala gaaray iyo Xaalada sida ay ku dambeyn doonto maadama waqtiga uu sii galaayo xili habeen ayna suura gal noqon korto in waxkasto ay dhacaan.

K24 la soco wararka Dagaalada Daqiiqad kasto insha allah

Related posts

Daawo Wasaarada Caafimadka Galmudug oo Isbitaalada Cabudwaaq Garsiisay Daawoyin kala duwan

admin

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Soomaaliyeed

admin

TOP NEWS: Jufada Absuge ee Beesha Waceysle Abgaal oo ka digniin Culus u dirtay maamulka Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka

Tifaftiraha K24