Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

War Hada: Guddiga Doorashooyinka oo soo Bandhigay Tirada Ergada ay soo Gudbiyeen Maamul Goboleedyada

Gudiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in ay soo gaareen Magacyada 6,528 Ergo oo soo dooran doona Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ergadaan waxa ay kamid yihiin 1425 Ergo oo  soo dooran doona guud ahaan 275 Xildhibaan ee Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigu Wuxuu Xaqiijiyay in hayo Magacyada 6528 Ergo oo u dhiganta 128 Ergo oo ka kala Imaandoono Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya.

Hadaba Halkaan Ka Akhriso Tirada Dowlad Gobaleed kasta uu u soo gudbiyay Gudiga.

Ergada Jubbaland 42 Kursi,

Ergada Koofur Galbeed 57 kursi,

Ergada Galmudug 12 Kursi,

Ergada Puntland 6 Kursi,

Ergada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe 11 Kursi,

Maalinta Barito ayaa la bilaabi doonaa diiwaangalinta Musharixiinta u tartami doonota Kuraastaasi, Waxaana Gudiga ka dalbaday Odayaasha dhaqanka iyo maamullada ay Ergooyinkooda ku dhimanyihiin in ay sida ugu dhaqsiimaha badan kusoo dhameystiraan.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo dhiggiisa Khartoum kula kulmay

admin

TOP NEWS: Dhageyso Faah Faahin ku saabsan Kooxo Hubeysan oo Dil ka geystay Dagmada Boondheere ka dibna Gaari ay wateen oo yaaqshiid ku Qarxay

admin

Cabdirashiid ilqeyte milkiilihii hotel saxafi oo kamid ah dadkii ku geeriyooday weerarkii saaka.

admin