Somali News

War hada: Alshabaab iyo ciidamada itoobiya oo maalintii labaad oo xiriir ah ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobolka…..

Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ayaa maalintii labaad waxaa uu dagaal goos goos ah ku dhexmarayaa deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Baledweyne iyo deegaanka Halgan.

Guddoomiyaha Halgan Guhaad Cabdi Warsame ayaa isagoo ku sugan tuulada Nuur Fanax VOA u sheegay in iska caabin aan xooganeyn ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Ciidanka Ethiopia ayaa Halgan iyo degaano kale oo Hiiraan iyo Galgaduud ku yaalla waxaa ay isaga soo baxeen daba yaaqadii sanadkii hore, lamana yaqaan ujeedada ay xiligan dib ugu laabanayaan Halgan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalada ka dhacay deegaanada Nuur Fanax iyo Burdaar ay labada dhinac adeegsadeen hub culus. Waxaa sidoo kale Halgan iyo Nuur Fanax ka barakacay inta badan dadkii shacabka ahaa ee deganaa.

Weerarada dhaba gal ah ama kamiinka ayaa shabaabka waxa ay inta badan la beegsadaan kolonyada ciidamada amisom  ee u kala gooshaya magaalooyinka dalka soomalia waxaana ka dhasha qasaaro kala duwan.

Related posts

TOP NEWS: Ciidamada jubbaland oo ka hortagay qatar weyn oo ku socotay Dagmada beled-xaawo ee gobolka gedo kadib markii ay….

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Kala Carar Ka Dhacay Albaabka Villa Soomaaliya, kadib markii Lagu Arkay…

admin

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomalida oo Magacaabay Xilal Kala duwan

admin