Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

WAR CUSUB: Sheekh Max’ed Shaakir & Madaxweyne Xaaf Oo Wadajir U Aaday Magaalada…

Waxaa Maanta Lagu wadaa inay Gaalkacyo gaaraan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Waxa Wafdigaan qeyb ka ah Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,wasiiro iyo Xildhibaano fadhigoodu yahay Dhuuso mareeb.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxda Galmudug Qeybtooda fadhida Dhuuso mareeb ay Gaalkacyo kula kulmi doonaan Wakiilka QM Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Waxaa Uu diiday Nicholas Haysom inuu dhuuso mareeb tego,islamarkaana Gaalkacyo uu codsaday sidaana uu kulanka uga qabsoomi doono Magaaladaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa waxaa la sheegay in Madaxda Galmudug ay ka arinsan doonaan khilaafka udhaxeeya Dawlad Gobolleedka maamulkaasi.

Si gaar ah Sheekh Shaakir iyo Xaaf ayaa khilaafkooda lagu soo  bandhigi doonaa shirkaas oo ku aadan Arinta la xiriirta Ka qeyb galka Kulankii uu Madaxweyne Farmaajo iclaamiyey.

Related posts

Dhageyso: Wareysi aan idin kaga heyno mukhallasiin soomali ah oo lagu xiray magaalada juba ee suudaanta koonfureed

Tifaftiraha K24

Degmada Baardheere oo lagu qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

admin

Breaking: Madaxweynihii Hore ee Puntland oo Noqday Musharaxa Labaad ee ku Guuleystay Aqalka sare Puntland

Tifaftiraha K24