Somali News

War Cusub: Sacuudiga oo sheegay in Uusan Marnaba u dulqaadan doonin Qaraxyada kusoo laab laabtay Magaalada Muqdisho taasi badalkeedana ay ka go’antahay in uu……

Warka ka soo baxay Xukumadda Wadanka Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Weerarada Qaraxyada ah ee ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay noqdeen kuwo soo laab laabtay islamarkaan Dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay in ay wax ka qabato ka hortaga Weerarada Argagixiso ee ka dhaca Soomaaliya iyo Turkiga.

Hadalka qoraal ah oo laga soo saaray kulanka golaha Wasiirada dalka Sacuudiga oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka dalka Sacuudiga Adel Al-Turaifi ayaa lagu sheegay in dowladda Sucuudiga ay ka go’an tahay in loo gurmado dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay.

Adel Al-Turaifi Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiirada dalka Sucuudiga ay isku afgarteen in dowladda Soomaaliya laga caawiyo la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Dowlada Sacuudiga ayaa waxa ay qeyb ka tahay Dowladaha Dagaalka kula jira Kooxaha Argagaxisada Caalamka.

Related posts

Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeele oo ka wada hadlay dib u dhiska Garoomada

Ahmed sudani

Barnamij ganacsiga wax badan ka qabanaya oo Kismaayo lagu so…

admin

Dhageyso: Guddoomiyaha Dagmada Jalalaqsi oo ka bad baaday Isku day Lagu qaarijin lahaa Kadib Markii Dabley hubeysan ay…..

Tifaftiraha K24