Somali News

War cusub: Maxkamadda ICJ oo digniintii ugu cusleyd u dirtay dowlada kenya kadib markii ay ka war heshay in ay….

War kooban oo ka soo baxay Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ayaa looga dalbaday dowladda Kenya in 18-ka bisha December ee Sanadkan 2017 ay ku soo gudbsio dacwada ka dhanka ah ee ay horay Soomaaliya Maxkamadda ugu gudbisay sanadkii 2014.

Maxkamadda ICJ ayaa horaantii bishan aqbashaday inay qaado dacwada labada dal u dhaxeysa, taasoo aheyd sida ay dowladda Soomaaliya dooneysay in Maxkamadda ay qaado dacwada labada dal u dhaxeysa.

Xaakimiinta Maxkamadda ICJ ayaa la sheegay inay awood u leeyihiin in ay Xeeriyaan ama go’aan ka gaaraan khilaafka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Kenya, kaasoo ku saabsan badweynta Hindiya iyadoo ay dhex ceegaagaan gunta badaas  Saliid iyo Gaas faro badan.

Labada dalba waxay Sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay Maxkamadda inay Xadeyso Xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka Caalamiga ah.

Related posts

Wasiirrada Caafimaadka Galmudug oo ka dayrisay Xaaladda Isbitaalka Guud ee Cadaado

Ahmed sudani

Xildhibaanada Baarlamaanka oo la sheegay in loo qeybiyay Malaayiin dollar Maxaase laga doonaya in ay sameeyaan?

admin

Dowlada Qadar oo Sirasmi ah u Shaacisey dhismaha Dekada Hobyo iyo Mashaariic kale.

admin