Somali News

WAR CUSUB: Kenya oo Maxkamadeyneysa Rag loo heysto in ay Xiriir la leyihiin Alshabaab

Taliska ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku hayaan 5 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin uruka Al- Shabaab,islamrkaana ay qorshaynayeen in ay weeraro ka geystaan dalka Kenya,sida ay maanta qortay warbaahinta dalka kenya.

Ciidamada fuliyay howlgalka lagu soo qabtay dadkaan ayaa sheegay in ay ku raad joogeen 5­ta qof oo markii hore ku sugneyd Nairobi kadibna aaday dhinaca magaalada Wajeer ,waxaana lagu amray lamaaha ammaanka  degmada Wajeer in ay Baadigoobaan Raggaas.

Eedeysaneyaashaan oo loo soo duuliyay magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa hadda wajahaya in loo maxkamadeeyo dacwado ku saabsan argagixisnimo.

Dadka lasoo qabtay ayaa dhamaantood kasoo jeedda Kenya ayaa la tuhunsan yahay in ay dhawaan ku biireen al shabab waxaana maalintii Jimcada ahayd ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiraya Shirka Dib u Eegista Dastuurka

admin

DegDeg:- Maamulka Jubbaland Oo Mamnuucay Shirarka Odayaasha dhaqanka.

Ahmed sudani

Daawo: Taabit Cabdi oo ka sheekeynaya Musiibadii Qaraxii Zoobe iyo Murugadii uu Indhahiisa ku arkay

admin