Somali News

War Cusub: Hooyo Ku nool Dalka Mareykanka oo Canugeeda oo 5 Sano jir ah ka bad baadisay Libaax Cuni rabay

Haweeney ku nool gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa ka badbaadisay wiilkeeda oo 5 jir ah libaax cuni rabay, sida ay sheegeen saraakiisha gobolkaasi.

Haweeneyda ayaa maqashay qeylo ka yeereysa bannaanka gurigeeda oo ku yaalla meel u dhow magaalada Aspen, waxaana ay aragtay libaaxa oo kusoo booday wiilkeeda, ka dibna waxa ay libaaxa ka riday wiilka.

Wiilka ayaa waxaa uu dhaawac kasoo gaaray madaxa iyo luqunta, waxaana loo qaaday cisbital ku yaalla magaala madaxda gobolkaasi ee Denver. Xaaladiisa ayaa la sheegayaa in ay wanaagsan tahay.

Gabar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in hooyada wiilka dhashay ay gacanteeda adeegsatay markii ay wiilkeeda ka badbaadineysay libaaxa.

Saraakiisha deegaanka ayaa markii dambe dilay libaaxaasi.

Buuraha gobolka Colorado ayaa waxaa ku nool libaax tiradiisa lagu qiyaasay 4,500, waxaana dhowr jeer oo hore uu libaaxaasi weerarray dadka deegaanka

Related posts

DEG DEG: Xildhibaan Fiqi iyo Xildhibaano kale oo dhuusamareeb u tagay soo dhaweynta madaxweynaha+Sawirro

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo ka Cusub Guud ahaan Deegaanada Gobolka Bakool

Tifaftiraha K24

AKHRISO: Magacyada Musharaxiinta Somaliland ee maanta ku tartamaya Aqalka Sare.

admin