Somali News

War Cusub: Dowlada Uganda oo War lama Filaan ah ka soo saartay Askarigii dhawaan ay Toogashada ku dileen Al-shabaab

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay aqoonsatay Askari ka tirsan Ciidamadeeda oo dhawaan ay Toogasho ku dileen Xarakada Alshabaab.

Askarigaan ayaa Muod ka badan Halsano waxa uu ku jiray Gacanta Alshabaab waxaana Maalmo ka hor lagu dilay Toogasho isagoo kasoo muuqday Shaashada xili uu jeedinyay Dardaarankiisa ugu dambeeyay.

Dowlada Uganda ayaa sheegtay in ay ku guul dareystay in Askarigaas ay kasii deyso Gacanta Alshabaab ugu dambeyna ay shabaabku qaarajiyeen.

Wargeyska lagu magacaabo Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in taliska ciidanka UPDF-ta Uganda uu u aqoonsaday askariga la toogtay, uuna ahaa maxbuus dagaal ah oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab intii lagu gudajiray weerarkii bishii September sanadkii 2015-ka lagu qaaday xeradii ciidamada Uganda ee degmada Jannaale.

Masassa oo ah askariga la toogtay ayaa dowlada Uganda waxay sheegtay in uu ka soo jeedo magaalada yiraahdo Busia ee dhacda bariga dalka Uganda, waxayna sheegeen in uu ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgalayey gudaha Soomaaliya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada Uganda, ninka la yiraahdo Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay arkeen muuqaalka ay baahisay mu’asasada Al-kataa’ib ee lagu soo bandhigay qaabka loo toogtay askarigooda, iyo fariinta uu soo gudbiyey intaba, wuxuuna sheegay in ay jawaab ka bixin doonaan falkaas balse ma uusan carab baabin waxa ay noqon doonto jawaabtaas.

“Waan daawanay video-ga Al-Shabaab, wuxuuna ahaa fal aanan marnaba la aqbali Karin” ayuu yiri Paddy Ankunda, Afhayeenka ciidamada UPDF-ta Uganda, Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Al-Shabaab ay jabisay xeerka caalamiga ah, ayna si bareer ah u toogatay maxaabiis dagaal.

Related posts

Xasaasi Dhageyso: M/ Weyne ku Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Baaq Xasaasi ah u diray C/Wali Gaas iyo C/Kariim Guulled

Tifaftiraha K24

Daawo: Xukuumadda Soomaaliya oo Amar Ku Bixisay in la Burburriyo Shabakadaha Tahriibka ka Shaqeeya.

admin

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo War ka Soo Saartay Dilka Xildhibaan Ruqiyo

Sakariye Sakariye