Somali News

War Cusub: Dowlada Turkiga oo kordhineyso Taageerada ay siiso Bulshada Soomaaliyeed

Turkiga dalalka uu deeqda ugu yabooho waxaa kamid ah Soomaaliya – waxaana soo raaca dalka Tuniisiya ee dhaca waqooyiga Afrika, sida ay qortay TIKA.

Haatan, Turkiga –isaga oo doonaya inuu caalamka ku yeesho saameyn, wuxuu rabaa inuu kordhiyo deeqaha uu siiyo dalalka dunida saddexaad. Taasna waxaa Turkiga uga xilsaaran shirkadda TIKA oo ah hey’adda gargaaradda u qaabilsan.

Warbixin ay soo saartay dhawaan ayay TIKA ku sheegtay in Soomaaliya ay ka fulisay mashaariic ku kacay adduun lacageed gaaraya 22.3 malyuun oo Doolar – halkaas oo dalalka Afrika ay yihiin bartilmaameedka koobaad ee deeqaha lasiiyo.

Baddalkii deeq toos ah ay bixin laheyd, TIKA waxay fulisaa mashaariic iyo barnaamijyo loogu tala-galay horumarinta beeraha iyo wax soo saarka.

Sidoo kale, Turkiga ayaa aaminsan islamarkaana adeegsata nidaamka waqf – oo ah sadaqo hor Ilaahay loola baxo – oo waafaqsan diinta Islaamka, sida uu ka sheegay shirweyne ka dhacay Ankara guddoomiyaha TIKA Serder Cam.

Turkiga ayaa usoo gurmaday Soomaaliya sanadkii 2011 markii abaar ba’an ay ku dhufatay qeybo badan oo kamid ah dalka taas oo galaafatay nolosha duunyo iyo dad badan.

Related posts

Shir Muhiim ah oo isugu Yimaaden gudigii Fulinta ee lagu doortay shirkii dhawaan ka dhacay Helsinki Finland (Warbixin)

admin

Maraykanka oo soo saaray gaari markii la rabo isku badalaya Diyaarad Dagaal.

admin

LIVE U DAAWO Diyaaradi ugu horaysay ee so cagadhigatay Garoonka Bosaaso

admin