Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

War Cusub: Ceelcade iyo Ciidamadda Kenya maxaa saakey ka cusub???

Ciidamada Amisom ee Kenya ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, maalmo kadib markii halkaasi ay ka saareen  Al-Shabaab, oo weerar ku qaaday.

Al-Shabaab, ayaa Jimcihii  weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Kenay ee Ceel-Cadde, halkaasi oo ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya, halka qaar kalena weli la’ yahay, ayaga oo sidoo kalena qabsaday hub.

Ciidamada Kenya ee maanta halkaas ku laabtay ayaan la kulmin wax iska caabin ah, ayada oo wararka ay sheegayaan in  Al-Shabaab aysan halkaas ku sugneyn, marka laga reebo tiro yar oo ay sahan ahaan magaalada uga tageen, kuwaasi oo ka baxay.

Guddoomiyaha Ceel-cadde Cabdi Cali Qoorleex, ayaa wehliyey ciidamada Kenya ee maanta halkaas ku laabtay.

Related posts

Askari dilay Wade Mooto Bajaaj

admin

Sawirro: Shirka IGAD oo Muqdisho ka Furmay iyo Arimaha Socdaalka Viso la’aanta oo Diiradda lagu saaraayo

admin

Dhagayso:- Shirkii Golaha Wasiirada oo Fariin Culus loogu diray Iraan

Tifaftiraha K24