Somali News Top News

WAR CUSU: Shiinaha oo Malaayiin Dollar ku Bixinaaya wadamada Soomaliya iyo Ethopia oo abaaro Ba’an ay ka jiraan.

$10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ayaa Shiinaha waxa uu Siinaya Dalalka Soomaliya iyo Ethopia  si wax looga qabto Abaaraha ka jira Bariga Afrika.

Wasaaradda Ganacsiga Dalka Shiinaha waxa  ay Shalay oo jicmo ahayd ku dhawaaqday in lacagtaasi  uu shiinaha ku deeqay loo marsiinayo Waddamadaasi Qaramada Midoobey,gaar ahaan Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFB.

$8 Milyan oo ka mid ah Lacagtaasi waxaa lagu bixin doonaa Dalka Itoobiya oo Dad ka badan 10 Milyan oo Qof ay Abaartu saameysay,halka $2Milyan oo kale ay ku bixin doonaan Soomaaliya oo Abaaro xoogan ay hada ka jiraan.

Soomaliya iyo Ethopia oo ku yaala Bariga Africa hada waxaa Saamyn Balaaran ku yeelatay Abaaro ku dhuftay Dalakaasi iyadoona Abaartu ay waxyeeleysa Dadka iyo Duunyada.

Related posts

Dab ayaa caawa waxaa ka kacay magaalada ganacsiga ee boosaaso.

admin

Wafdi Bangiga Aduunka ka socoda oo booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid Somaliland

admin

SAWIRRO:- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Sameeyay Kormeerkii ugu horeeyay.

Ahmed sudani