Somali News

Wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qadar ayaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray, iyagoo hadda kulumo la leh Madax ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulunka Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga ka socda Dalka Qatar ayaa la sheegay in looga wada hadlayo kaalinta Dowladda Qatar ay ka geysan karto dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageera dowladda Soomaaliya, waxaa horay Muqdisho u yimid wafuud kala duwan, iyadoo horay Qatar balan-qaaday mashaariic kala duwan oo aan weli la fulin.

Related posts

Daawo Sawirrada: Weerar Mindi loo adeegsadaay oo LOndon ka dhacay iyo Nin Soomali ah oo Loo Xiray in uu ….

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Farmaajo Oo Qalbi Dhagax War Ka Soo Saaray AKHRISO.

admin

DEG DEG: Maxaadan ogeyn oo hada ka Socda Magalada Beledweyne iyo Raisul Wasaaraha oo Goordhaw gaaray

admin