Somali News

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne farmajo oo gaaray Magaalada Garowe.

Wafdi horudhac u ah Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garowe, halkaasoo lagu wado in maalinta Sabtida uu ka furmo Shir Wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sida wararku sheegayaan wafuuda gaaray Garowe ayaa waxay isugu jireen howlwadeenada iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo u gogol xaaraya socdaalka Madaxda ku tagayaan Garowe.

Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Garowe ayaa u dhacay maalinta Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 4 May, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay Garowe tagi doonaan maanta illaa berri, si shirka Sabtida u furmo.

Related posts

Dhagayso:- Xildhibaan Dalxa " Xasan Sheekh isaga u Sareeya Dalka Wana Kala Diri Karaa Golaha Adeega Garsoorka "

admin

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa soo gaaraya gobolka grdo

admin

Shan Hey’adood oo gudan waayey waajibkii loo dhiibay (Xishoodkii miyaa dhamaaday mise Dhigga Shacabka ayaad quudataan)

admin