Somali News

Waa kuma Shaqsiga Si KMG ah loogu Magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed?+Sawirro

Taliye kuxigeenka 1aad ee ciidanka Booliska ayaa waxaa si KMG ah loogu wareejiyay xilka taliyaha Ciidamada Booliska.

Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa xilka taliyaha booliska loogu wareejiyay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo horay u ahaay taliye ku xigeenkii koowaad ee ciidamada booliska.

Taliyihii Hore ee Ciidamada Booliska C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ayaana xilka si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa koowad isagoona ku amaanay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, isla markaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidanka.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye kuxigeenka Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.

Dhawaan ayey aheyd markii taliyihii Ciidamada Booliska C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ay xilka qaadeen isaga iyo taliyaha NISA Golaha wasiirada.

Related posts

Dhagayso:- Dowladda Somaaliya oo soo dhaweysay Ciidamadda QM ee Ilaalinaya Xarumaha QM ee somaaliya

admin

TOP NEWS: Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland oo Jawaab Kulul ka bixiyay Wararka sheegaya in Jubbaland ay Dhaqaalo ku raadsaneyso Qa……

Tifaftiraha K24

Gollaha amaanka oo ka dalbaday Sacuudiga in uu joojiyo duqeynta Yaman

admin