Somali News Top News Xulashada K24

VIDEO: Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo Weji Cusub u yeelay Colaaddii Jabuuti iyo Eritrea

Ka dib shir sadax geesood ah oo wadammada Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaliya ay ku yeesheen caasimada Asmara ayaa waxaa billowday dadaalo ay saddexdan wadan ku doonayaan inay ku dhameeyaan colaadda u dhaxaysa wadammada Jabuuti iyo Ereteriya.

Wafdi ka kooban wasiirrada saddexda wadan ee Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa hadda bilaabay iskukeenida labada dal ee xuduudda isku haya.

Wasiirada arrimaha dibadda ee somalia, Eritrea iyo Itoobiya ayaa gaaray Dalka Jabuuti.

Soomalia iyo Itoobiya ayaa dhex dhexaadinaya jabuuti iyo Eritrea oo Colaad sokeeye ay u dhaxeysay muddo dhowr sannadood ah.

Sannadkii 2008-dii ayay ahayd markii uu dhacay dagaalkii ugu horreeyey ee labada dal ee Jabuuti iyo Ereteriya uu ka qarxay xuduudda ay isku hayaan ilaa haatan ee Jasiiradda Doumeira

Colaaddii berrigaas bilaabatay ayaa illaa iminka taagan, taasoo sababtay dagaal lagu dhammaaday maxaabiisna lagu kala qabsaday.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka 

Related posts

Daawo: Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Janaraal Fartaag oo Kismaayo kaga qeyb-galay Sanad guuradii 72-aad ee kasoo wareegatay Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

admin

Madaxwaynaha Maamulka jubbaland: ” DF tallaabo kasta ay qaadeyso ha kala tashato maamul Goboleedyada”.

Tifaftiraha K24

Maxkamadda ugu sarraysa Dalka Kenya oo qaadatay go’aan aan horay uga dhicin Afrika oo ku saabsan….

Tifaftiraha K24