Breaking News English News Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Top News Xulashada K24

VIDEO: Axmad Madoobe oo ugu dambeyn Is dhiibay Quusna taagan Maxaase Xigi doona?

Hoggaamiyaha Gabalkiisa uusii dhacaayo ee Jubbaland Axmad madoobe ayaa walaac xoogan ka qaba kacdoonka isaga looga soo horjeedo ee ku si baahaayo deegaannada jubbaland.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw madoobe ayaa inoo xaqiijiyay in axmad madoobe uu damacsanyahay qorsha uu kaga fiirsanaayo kacdoonka isaga ka dhanka ah waxaana macquul ah in uu wajaho culeys ka xoog badan kan hadda heysta.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale inoo sheegay in haddii xaalka uu sidaan sii ahaado ay madoobe ku qasbi karto in uu xilka baneeyo waxaana uu hadda wadaa la tashiyo uu la sameynaayo beeshiisa iyo siyaasiyiin isaga ku dhaw dhaw.

Waxgaradka beesha uu kasoo jeedo axmad Madoobe ayaa u sheegay in haddii kacdoonka shacabka uu sii baaho ay ceeb iyo dhabar jab ku noqoneyso axmad madoobe waxaana hadda madoobe horyaala laba darran mid dooro oo uu baneeyo kursiga ama uu ku dhega adeego in uu kismaayo xoog kusii heysto dulmigana uu sii kordhiyo.

Guud ahaan deegaannada jubbaland waxaa gaaray kacdoonka dib u xoreynta jubbaland waxaana maalintii seddexaad dagmooyinka tirsan Jubbada hoose iyo Gedo ka dhacay Dibad baxyo waaweyn oo axmad madoobe looga soo horjeedo.

Dibad baxyada ayaa la sheegaya in aysii socon doonaan ilaa inta meesha laga saaraay axmad madoobe waxaana xubnaha horboodaya kacdoonka xoreynta jubbaland ay wacad ku mareen in aysan marnaba nasan doonin ilaa iyo shacabka jubbaland laga dulqaado dulmiga ragaadiyay ee sanado badan uu maamulka axmad madoobe ku haayay shacabka.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

Related posts

Farmaajo oo ugu Dambeyn helay Shaqsiga uu u Magacaabayo Taliyaha nabad sugida

Mohamed Abdirashid Abaajo

DEG DEG: Kala carar ka dhacay xarunta aqalka hoose oo farmaajo uu ku sugnaay kadib markii dagaal culus uu banaanka ku dhexmaray ciidamo ka….

Tifaftiraha K24

Daawo: Kismaayo24 oo Sawirro Hordhac ah kasoo qaaday Qaraxyadii Goordhaw ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Tifaftiraha K24